Afar nin oo walaalo ah oo hal meel ku geeriyooday

3

 Wararka naga soo gaaraya tuullada Hora-hawd oo u dhow magaalada Jigjiga ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa seegaya in halkaasi maanta ay ku dhinteen afar nin oo walaalo ah, kuwaasi oo ceel ku dhacay.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in raggaan oo ku guda jiray waraabinta beer ay biyo ka soo doonteen ceelka, isla markaasna ay wadaantii riixday ku dhaceen ceelka oo ay iyagu qodeen.

Dhacdadan ayaa argagax ku abuurtay dadka deegaanka, iyadoo muddo ka dib la oggaaday in ay ku dhaceen ceelka, isla markaasna laga soo saaray.

Ceelasha ku yaalla tuulada Hora-hawd ayaa u badan kuwo lagu soo dhaamiyo Wadaan, taasi oo ay soo riixaan ragga waraabinaya xoolaha ama beeraha.