Puntland oo digniin u dirtay macalimiinta iskuulaadka ee ku yaala deegaanadeeda.

3

Wasiirka Maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal ayaa amar culus dul-dhigay maamullada iskuullada ka howlgala deegaanada maamulkaas, iyadoo laga dalbaday inay canshuurta bixiyaan, waxaana maamulayaasha iskuullada loogu goodiyey in sharci adag la marsiin doono, hadii aysan bixin canshuurta dowladda.

Abgaal oo warbaahinta kula hadlay Garoowe ayaa macalimiinta iskuullada ka dalbaday inay canshuurta dowladda iska dhiibaan, isagoo hadii ay bixin waayaan ku sifeeyey inay Al-shabaab lamid yihiin.

Wasiir Xasan Abgaal waxaa uu hadalkiisa uu intaasi kudaray in maamulayaasha Iskuulada aan sidoo kale aqbaleyn markii la weeydiiyo lacagta Canshuurta inay fidno abuuraan oo Ardayda fasaxaan, iyaga oo sheegaya in lacag sharci darro ah laga rabo, kuwaas oo uu sheegay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono.

Ugu dambeyn Wasiirka Maaliyadda Puntland waxaa uu sheegay in dadka diidan Canshuurta ay yihiin dad aan rabin dowladnimo, isla markaana uu lamid yahay Ururka Al-Shabaab.