DFS oo ciidamo ka tirsan Haramcad ka dajisay Dhuusamareeb.

36

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Dhuusamareeb maanta ka dajisay Ciidamo ka tirsan Booliska gaarka ah ee Haramcad, kadib markii diyaarad xamuul ah ay ka qaaday Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho.

Tirada Ciidamadaan ayaa kor udhaafaya 200 oo Askari,. kuwaas oo qeyb ka noqon doono dagaalka ka dhanka ah Ciidamada Taabacsan Ahlu Sunna ee ku sugan ee deegaano ka tirsan Galgaduud oo ay dhawaan la wareegeen.

Warar ayaa sheegaya in Ciidamada Ka tirsan Kuwa Booliska Haramcad la dajiyay meel goob loo asteeyay oo ku taala Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug.

Ciidamada Ahlu sunna ayaa abaabul dagaal ka wada deegaanada ay kaga sugan yihiin Galmudug, kaas oo ay ku doonayaan iney ku qabsadaan deegaano hor leh oo ay ka mid yihiin Cadaado iyo Dhuusamareeb.