Nin horay kartoon uga sameeyay nabigeena N.N.K.H oo si fool xun ugu geeriyooday.

8

Nin u dhashay dalka Sweden oo horay u sameeyay kartoon uu ku aflagaadeenayo nabigeena Muxamed N.N.K.H ayaa si fool xun ugu geeriyooday shil gaari oo ka dhacay koonfurta dalka Sweden.

Ninkan oo lagu magacaabo Lars Vilks ayaa gaarigii uu saarnaa waxa uu ku dhacay gaari xamuul ah. Kadina waxaa lasheegay in ay adkaatay in maydkiisa banaanka loo soo saaro maadaama halkaasi uu ku gubtay.

Ninkaan oo 75 sano jir ahaa ayaa kartoonka sameeyay sanadkii 2007’dii tan iyo waqtigaasina waxa uu ku noolaa nolol adag iyadoona tan iyo waqtigaasi ay booliska waardiyeenayeen maadaamada muslimiin badan ugu hanjabeen in ay dili doonaan.

Sidoo kale waxaa shilkaasi kula dhintay labo kamid ah askartii waardiyeenaysa