Ciidamada DF iyo kuwa Jubbaland oo Janaay-Cabdalla kala wareegay Al-Shabaab

85

Ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa Jubbaland ayaa saakay dagaalamayaasha Al-Shabaab kala wareegay deegaanka Janaay-Cabdalla ee gobolka Jubbada Hoose.

Deegaankaas oo 60-KM galbeed uga beegan magaalada Kismaayo ayaa muhiim u ahaa isu-socodka Al-shabaab, sida ay sheegeen saraakiisha hoggaamineysa ciidamadaas.

Sidoo kale saraakiisha ayaa sheegay in deegaankan uu Al-Shabaab u ahaa goob muhiim ah oo ay ku canshuuri jireen gaadiidka isaga kala goosha magaalooyinka Kismaayo iyo Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose.