Farmaajo iyo Axmed Madoobe oo guddi u saaray arrinta G/Gedo

26

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo kan Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa xalay shir mudo dheer qaatay ku yeeshay magaalada Muqdisho, waxuuna kulankaas soo idlaaday goor dambe oo xalay ah.

Xubno ka tirsan madaxtooyada ayaa noo sheegay inuu jiro isusoo dhawaansho laba dhinac ah oo ku aadan arrinta gobolka Gedo, taas oo sida la sheegay ay is faham ka gaareen Farmaajo iyo Axmed Madoobe.

Labada masuul ayaa guddi min hal xubin ah u saaray, kasoo shaqeynta qaab farsamo oo xal looga gaari karo arrinta gobolka Gedo oo ka maqan gacanta Jubbaland.

Sidoo kale waxaa la sheegay in la isku balansaday kulan kale oo seddax geesood ah, kaas oo dhex mari doona Madaxweyne Farmaajo, Saciid Deni iyo Axmed Madoobe, si xal loogu raadiyo tabashooyinka madaxdan ee furitaanka shirka shuruuda looga dhigay.