Mahdi Guuleed oo shir guddoomiyey kulan looga hadlayey soo saarista shidaalka Soomaaliya

14

Siihayaha xilka ra’iisul wasaaraha dalka Mahdi Maxamed Guulleed ayaa shir guddoomiyay kulan looga hadlayay xoojinta ahmiyadda ay dawladda Soomaaliya siinayso ka faa’iidaysiga khayraadka dalka, iyo sidii tallaabooyin horukac leh looga samayn lahaa arrinkan horraanta sanadka 2021-da.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb  galay sii hayaha wasiirka batroolka iyo macdanta dawladda FS Cabdirashid Maxamed Axmed, sii hayaha wasiirka maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, sii hayaha wasiirka cadaaladda, mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda qorshaynta, Maareeyaha Guud ee Hay’adda Badroolka Soomaaliya Ibraahim Cali Xuseen iyo mas’uuliyiin kale.

Sii hayaha Ra’iisal wasaaraha dalka Mahdi Maxamed Guulleed ayaa sheegay inay xukuumaddu ka shaqaynayso khayraadka dabiiciga ah ee dalka oo laga faa’iidaysto,iyadoo loo marayo hab faa’iido u leh dhaqaalaha iyo horumarka bulshada.