Ururada Bulshada Rayidka oo War cusub kasoo saaray Khilaafka Farmaajo iyo Rooble

11

Ururada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ayaa War cusub kasoo saaray khilaafka xoogan ee u dhexeeya Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.

War-saxaafadeed kasoo baxay Ururada Bulshada Rayidka ayaa waxaa lagu sheegay inay aad uga xun yihiin is afgarad la’aanta ka dhex jirta Rooble iyo Farmaajo ee la xiriirta khilaafka awoodaha sharciga dowladda.

Waxaa ay sheegeen Khilaafka Madaxda inuu  niyad-jab ku riday dadka Soomaaliyeed ee filaayay inay dalka ka qabsooman doorashooyin si nabad ah ku dhaca oo dalka u horseeda Isbedel wanaagsan oo horumar leh.

Ururada Bulshada ayaa tilmaamay inay aaminsan yihiin khilaafka siyaasadeed ee Rooble iyo Farmaajo uu saameyn ku yeelan karo hay’addaha dowladda, iyagoona Madaxda ka dalbaday inay muujiyaan mas’uuliyad dheeraad ah oo lagu xakameeyo khilaafka.

Sidoo kale Ururada Bulshada ayaa ku baaqay in aan la siyaasadeyn kiiska Ikraan Tahliil Faarax, isla markaana lagu sameeyo baaritaan dhab ah, sidoo kalena uusan istaagin wada-hadal lagu xalinayo khilaafka siyaasadeed ee ka dhexeeya Madaxda.