Madaxweyne Farmaajo oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee Sweden

2

Madaxweyne Farmaajo ayaa munaasabad ku qabsoontay Madaxtooyada waxa uu kaga guddoomay warqadaha aqoonsiga danjirenimo safiirka cusub ee Boqortooyada Sweden u soo magacawday Soomaaliya Mudane Per Lindgarde.

Madaxweyne Farmaajo iyo Danjire Lindgarde ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Sweden, kaas oo ku dhisan wax wada-qabsi, is-ixtiraam si loo adkeeyo iskaashiga dhinacyada amniga, gargaarka bini’aadannimada, dhaqaalaha, maalgashiga, horumarinta iyo arrimaha bulshada.

Ugu dambayn, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Danjiraha Cusub ee Sweden ugu hambalyeeyay xilka loo magacaabay, waxa uuna u sheegay in uu soo dhoweyn wanaagsan kala kulmi doono shacabka Soomaaliyeed, Dowladda Federaalkuna ay ku garab istaagayso gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo soo igmaday.