Madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubbaland oo la kulmay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya

19

Madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubbland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula qaatay safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Donald Yomamoto.

Masuuliyiinta ayaa kulankooda waxa uu ahaa mid ay si gooni gooni ah ula qaadanayeen, Safiirka dalka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yomamoto.

Kulanka ayaa sidoo kale waxa uu ahaa mid uu albaabada u xiran yahay,isla markaasina ay dibad joog ka ahaayeen warbaahinta.

Waxaa la sheegay in kulanka dhex maray masuuliyiinta uu ahaa mid intiisa badan ay diirada ku saarayeen arrimaha doorashooyinka dalka.

Axmed Madoobe iyo Siciid Deni ayaa maanta gelinkii dambe soo gaaray magaalada Muqdisho, iyagoo kulan la qaadan doona madaxda dalka oo uu ugu horeeyo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.