Wasiir Beyle oo kulan muhiim ah la qaatay xubno ka tirsan ururka Jaamacadda Carabta

14

Kusimaha wasiirka wasaaradda Maaliyadda ee dawlada Somalia Cabdirxmaan Ducaale Beyle, ayaa maanta waxa uu kulan la qaatay, xubno ka tirsan ururka Jaamacadda Carabta.

Kulanka masuuliyiintan dhex maray, ayaa waxa uu ka dhacay aaladda casriga ah ee Zoom-ka loo yaqaanno.

Kulanka ayaa waxa uu ku qotomay, arrimaha deyn cafinta Somalia, iyo sidii ay gacan uga gaysan lahaayeen ururka Jaamacadda Carabta oo ay Soomaliya ka midka tahay.

Wasiir Beyle, ayaa sheegay in kulan uu ku soo dhammaaday Is afgarad iyo in Ururku Soomaaliya ka cafiyo ama ka saamaxo deymaha uu ku leeyahay.

Sidoo kale waxa uu uga mahadceliyay kulankaas, xog hayaha guud ee Ururka Jaamacadda Carabta,iyo sidoo kale dhammaanba xubnihii kala qayb galay kulankii maanta.

“Waxa aan maanta shir muhiim ah la yeeshay Ururka Jaamacadda Carabta oo aan ka wada hadalnay sidii ay nooga saamixi lahaayeen deymaha ay Soomaaliya ku leeyihiin. Waxa aan aad ugu mahadcelinayaa Xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta iyo dhamaan ka qeybgalayaashii shirka maanta, Dawladda Soomaaliya waxaa ka go’an in ay xoojiso isbadalka Maaliyadda iyo horumarka dhaqaalaha dalka”. Ayuu yidhi, wasiir Cbdiraxmaan Beyle oo ka warbixinayay kulankii maanta.