Somaliland oo sheegtay iney qaadanayso qayb kamid ah qoxootiga reer Afghanistan.

6

Xukuumadda Somaliland ayaa si ku meel gaaraa dib udajin usameyneesa tiro qoxooti reer Afghanistan ah, oo dowlada Maraykanku kasoo daad guraysay dalka Afghanistan kadib markii kooxda Taliban la wareegtay dalka.

Sarkaal ka tirsan Wasaarada Arrimaha Dibada Somaliland, oon magiciisa la sheegin, ayaa wakaalada wararka ee AFP u sheegay in xukuumada Somaliland ay wada hadalo kula jirto dowlada Maraykanka sidi qayb kamid ah qoxootiga reer Afghanistan si ku meel gaadh ah loo dajin lahaa Somaliland.

“Waanu aqbalay in aanu qoxootiga reer Afghanistan u marti galino si ku meel gaadh ah” ayuu yidhi. Waxa kale oo uu sheegay in wali heshiisku aanu dhamaystirnayn, isla markaana loo baahay in la dhamaystiro adeegyada asaasiga ah, wuxu inta ku daray in anay wali ka heshiin wakhtiga uu qoxootigu imanyo Somaliland.

Dowlada Maraykanka ayaa raadinaysa goobo ay si kumeel gaadh ah u dajiso, qoxootiga reer Afghanistan ee ka cararaya xukunka Taliban, kuwaasi oo dowlada Maraykanku kasoo daad guraynayso madaarka Kabul. Waxa kale oo Maraykanku wada hadalo kula jiraa dalka Uganda oo uu doonayo in uu dajiyo qoxooti.