Somaliland oo sheegtay inay taageersan tahay in Itoobiya hesho marin badeed

2

Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inay si joogto ah u taageertay heshiisyo lagu siinayo Itoobiya marin ay ka hesho badda, iyadoo sheegtay in iskaashiga noocaas ah uu horseedi karo dan wadaag iyo horumar goboleed.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland ayaa bayaan ay soo saartay 3-dii October 2026 ku sheegtay in ay taageersantahay qorshayaasha u oggolaanaya Itoobiya inay hesho marin badeed loo maro heshiisyo labada dhinacba faa’iido u leh.

Wasaaraddu waxay sheegtay in dowladda Soomaaliya ay si toos ah uga hor imaanayso mowqifkeeda ku aaddan helitaanka marin badeed ee Itoobiya, iyadoo tilmaantay in ololaha Muqdisho ee ka dhanka ah is-afgaradkii Itoobiya iyo Somaliland ee 2024 uu yahay mid ka hor imanaya taageerada ay sheegtay dowladda Soomaaliya inay u hayso Itoobiya si ay u hesho marin badeed.

“Dowladda Somaliland waxay si joogto ah u taageertay heshiisyo gorgortan lagu gaaro oo u oggolaanaya Jamhuuriyadda Federaalka Itoobiya inay hesho marin badeed iyada oo loo marayo iskaashi labada dhinacba faa’iido u leh,” ayaa lagu yiri bayaanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland.

Somaliland waxay sidoo kale sheegtay inay diiddan tahay faragelin lagu sameeyo heshiisyada ay la gasho dhinacyada kale, iyadoo ku adkaysatay inay sii wadi doonto heshiisyo ay ku sheegtay inay ixtiraamayaan madax-bannaanida isla markaana horumarinaya barwaaqada gobolka.

Somaliland iyo Itoobiya ayaa Heshiis is-afgarad kala saxiixday bishii January 2024, waxaana uu ku saabsanaa in Itoobiya loo fududeeyo helitaanka marin badeed. Heshiiskaas ayaa sababay khilaaf diblomaasiyadeed oo xooggan oo ka dhex qarxay Soomaaliya iyo Itoobiya, iyadoo Muqdisho ay ku tilmaantay inuu xadgudub ku yahay madax-bannaanida Soomaaliya.

Hadalkan Somaliland ayaa ku soo beegmaya xilli Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu sheegay in Soomaaliya aysan diidnayn in Itoobiya hesho marin badeed, isaga oo xusay in arrintaasi ku imaan karto heshiis wadajir ah oo lagu isticmaalo dekedaha Soomaaliya.