Puntland oo bulshada uga digtay saameynta roobabka Deyrta

0

Puntland ayaa saadaalisay in inta badan deegaannadeeda ay xilli-roobaadka Deyrta ee sannadkan heli doonaan roobab ka badan celceliska caadiga ah, iyadoo digniin laga bixiyay meelaha ay suuragalka tahay inay ka dhacaan daadad iyo kuwa laga yaabo inay wajahaan roob-yaraan.

Xarunta Maareynta Xogaha Khayraadka Biyaha iyo Dhulka Puntland (IMC) ayaa soo bandhigtay saadaasha roobabka bilaha Oktoobar ilaa Diseembar 2026, xilli ay hay’adaha dowladda, kuwa gargaarka, ururrada bulshada rayidka ah iyo daneeyayaasha kale isku diyaarinayaan saameynta cimilada.

Sida saadaasha xaruntu sheegtay, deegaanno badan oo Puntland ah waxaa jira 65 boqolkiiba suurtagalnimo ah in roobabku ka bataan xaddigii caadiga ahaa. Deegaannadaas waxaa ka mid ah Burtinle, Galdogob, Bursaalax, Gaalkacyo, Xarfo, Jariiban, Garoowe, Dhahar, Boocame, Taleex, Xudun, Laascaanood, Qardho, Waaciye, Carmo, Badhan, Xaafun, Banderbayla iyo Gumbax.

Aagga labaad, oo ay ku jiraan Boosaaso, Qandala, Ufayn, Rako-Raaxo, Dongoroyo, Godobjiraan, Caluula, Eyl iyo Ballidhidin, waxaa la saadaaliyay 55 boqolkiiba suurtagalnimo ah in roobabku ka sarreeyaan celceliska.

Hase yeeshee, saadaashu ma ahan mid isku mid ah dhammaan Puntland. Qaar ka mid ah deegaanada waqooyi, gaar ahaan Ceerigaabo, Laasqoray iyo qaybo ka mid ah Iskushuban, ayaa laga digay inay wajihi karaan xaalado qalalan oo roobabka Deyrta aysan noqon kuwo wax-ku-ool ah.

Xaruntu waxay sidoo kale sheegtay in heerkulka inta badan deegaannada Puntland uu 90 boqolkiiba suurtagalnimo ka sarreyn karo celceliska sannadihii hore.

Saadaasha Deyrta ayaa lagu saleeyay, qayb ahaan, xaaladda cimilada ee El Niño, oo saameyn ku yeelan karta roobabka iyo heerkulka dalalka Geeska Afrika.

IMC waxay sheegtay in ay jirto 81 boqolkiiba suurtagalnimo ah in El Niño ay noqoto mid aad u xooggan inta lagu jiro xilliga Deyrta 2026, taas oo kordhin karta isbeddellada cimilada iyo khataraha la xiriira roobabka culus iyo heerkulka sare.

Xarunta ayaa sheegtay in baahi loo qabo in la qaado tallaabooyin ka hor inta aan la gaarin xaaladaha degdegga ah, iyadoo tusaale u soo qaadatay fatahaadihii xilliga Deyrta 2023 ee saameeyay Gaalkacyo iyo deegaano kale.

Maamulka ayaa ku baaqay in la xoojiyo nidaamyada digniinta hore iyo faafinta xogaha cimilada, iyadoo mudnaan la siinayo diyaar-garowga fatahaadaha iyo ilaalinta kaabayaasha muhiimka