Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in waaxda amnigu ay isticmaasho in ka badan 60% miisaaniyadda qaranka, iyadoo dalka uu isku diyaarinayo in ciidamada Soomaaliyeed ay si buuxda ula wareegaan mas’uuliyadda amniga marka uu dhammaado howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya bisha December.
Agaasimaha Guud ee Amniga Gudaha, Maxamed Xasan Shire, ayaa sheegay in xaaladdaasi ay dowladda ku qasbeyso inay dib u eegto habka loo maareeyo kharashaadka ciidamada iyo hay’adaha amniga, si loo daboolo baahiyaha dhaqaale ee sii kordhaya.
Shire oo ka hadlayay shir looga hadlayay arrimaha amniga ayaa sheegay in xoojinta isku-duwidda hay’adaha amniga ay tahay arrin muhiim u ah wax-ku-oolnimada hay’adaha amniga Soomaaliya.
Wuxuu yiri:“Arrinta kale ee aan maanta shirkan kaga hadalnay waa habka isku-duwidda. Xoojinta habka isku-duwiddu waxay muhiim u tahay wax-ku-oolnimada hay’adaha amniga.”
Agaasimaha Guud ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la helo dhaqaale waara oo lagu daboolo baahiyaha ciidamada iyo hay’adaha amniga, “Ugu dambayn, arrintu waxay ku saabsan tahay awoodda dhaqaale. Awoodda lagu maalgelin karo amniga waa arrin muhiim ah xilligan, gaar ahaan iyadoo howlgalka Midowga Afrika uu halkan ku dhammaanayo bisha December, ciidamada Soomaaliyeedna laga filayo inay la wareegaan mas’uuliyadda amniga,” ayuu yiri Shire.
Wuxuu sheegay in ay muhiim tahay in dowladda Soomaaliya ay qorshe cad ka yeelato sidii ay u dabooli lahayd baahiyaha miisaaniyadeed ee ciidamada amniga marka ay mas’uuliyadda amni si buuxda ugu soo wareegto dowladda, Sida uu sheegay Shire, dowladda ayaa sidoo kale wada qorsheyaal lagu doonayo in lagu yareeyo kharashaadka aan loo baahnayn, isla markaana lagu kordhiyo hufnaanta hay’adaha amniga.
Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa, sida uu sheegay, dib-u-habeyn ka wada booliska iyo hay’adaha kale ee amniga, iyadoo ujeeddadu tahay in la yareeyo wax-qabad la’aanta, khasaaraha iyo kharashaadka aan loo baahnayn.
Mas’uuliyiinta dowladda ayaa sidoo kale qorsheynaya inay arrimaha maalgelinta amniga kala hadlaan Guddiga Amniga iyo Difaaca ee Baarlamaanka iyo Wasaaradda Maaliyadda, si loo helo xal lagu daboolo farqiga dhaqaale ee sii kordhaya.











