Madaxweynaha Somaliland oo dowlada Soomaaliya ku eedeeyay in ay farogalin ku hayso Somaliland

0

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ka baxday heshiisyo laga gaadhay wada-hadalladii muddo dheer u dhexeeyay Somaliland iyo Dowlada Soomaaliya, isagoo ku eedeeyay Muqdisho inay farogelin ku hayso arrimaha gudaha Somaliland.

Madaxweyne Cirro oo Nairobi kula kulmay wakiillo ka tirsan beesha caalamka ayaa sheegay in nabaddu ay tahay mudnaanta koowaad ee xukuumaddiisa, isla markaana ay diyaar u tahay in xal nabadeed loogu wajaho colaaddii Laascaanood, iyadoo la adeegsanayo wada-hadal, dib-u-heshiisiin iyo is-afgarad.

“Mudanayaal, nabadu waxa ay tahay mudnaanta koowaad ee xukuumaddayda. Waxa aan sii wadaynaa xal ay Somaliland leedahay oo lagu wajaho colaadda Laascaanood, taas oo ku dhisan wada-hadal, dib-u-heshiisiin iyo is-afgarad,” ayuu yidhi Madaxweyne Cirro.

Waxa uu sidoo kale sheegay in aan la iska indho-tiri karin door uu sheegay in dowladda Soomaaliya ku leedahay xaaladda amni ee Somaliland, isagoo xusay in Muqdisho ay halkii ay xoogga saari lahayd xal u helista caqabadaha amni iyo bini’aadantinimo ee ka jira Soomaaliya, ay farogelin ku samaynayso arrimaha gudaha Somaliland.

Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in qaar ka mid ah wakiilada beesha caalamku ay Somaliland iyo Soomaaliya ku dhiirigelinayaan in dib loo bilaabo wada-hadalladii labada dhinac, isagoo xusay in Somaliland ay marar badan muujisay inay diyaar u tahay wada-hadal isla markaana ay gashay, lakiin aan guul laga gaadhin.

“Marar badan ayaanu wada-hadal galnay annaga oo daacad ka ah, annaga oo bixinay qiimo siyaasadeed oo aad u weyn. Nasiib-darro, heshiisyo kooban balse muhiim ahaa oo lagu gaadhay wada-hadallada ayay markii dambe Soomaaliya ka baxday,” ayuu yidhi. Waxa uu tusaale u soo qaatay la wareegista maamulka hawada ee Soomaaliya, isagoo sheegay in arrintaasi ay muujinayso in aan la ilaalin heshiisyadii hore loo gaadhay.

Madaxweynaha Somaliland ayaa wakiillada beesha caalamka ugu baaqay in dadaalladoodu ayna ku koobnaan oo keliya dhiirigelinta in Somaliland iyo Soomaaliya dib ugu laabtaan miiska wada-hadalka, balse ay sidoo kale xoogga saaraan fulinta heshiisyadii hore loo gaadhay. “Wada-hadal waara waxa uu u baahan yahay is-ixtiraam iyo in heshiisyada la ilaaliyo,” ayuu yidhi Madaxweyne Cirro.

Wada-hadallada Somaliland iyo dowlada Soomaaliya ayaa socday muddo ka badan toban sano, waxaana kulamo kala duwan lagu qabtay dalal ay ka mid yihiin Turkiga iyo Jabuuti, hase yeeshee labada dhinac ayaan ugu dambayn ku heshiin qodobbo waaweyn oo xal kama dambays ah u noqon lahaa khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya.