Weerar ay Xuutiyiinta Yemen ku qaadeen koonfurta Sacuudi Carabiya ayaa lagu soo warramayaa inuu dhaawacay 11 qof oo rayid ah, iyadoo Riyadh ay ka digtay suuragalnimada weerarro isku-dubaridan oo ay fuliyaan Xuutiyiinta iyo maleeshiyaad Ciraaqi ah oo ay taageerto Iiraan.
Afhayeenka Isbahaysiga Militariga ee Sacuudigu hoggaamiyo, Jeneraal Turki al-Maliki, ayaa sheegay in weerarka ka dhacay gobolka Najran ay ku dhaawacmeen toddobo qof oo Sacuudiyaan ah, hal Yemeni ah, laba Masri ah iyo hal Pakistani ah.
Dhanka kale, ilo-wareedyo amni oo Sacuudiyaan ah ayaa sheegay in sirdoonka Sacuudiga, Mareykanka iyo dalal kale oo gobolka ah ay ogaadeen qorshayaal la sheegay in Xuutiyiinta iyo maleeshiyaad Ciraaqi ah oo xiriir la leh Ilaalada Kacaanka Iiraan ay ku qaadi karaan weerarro isku xiran oo lagu bartilmaameedsanayo kaabayaasha muhiimka ah ee Sacuudiga, sida xarumaha tamarta, dekedaha iyo garoomada diyaaradaha.
Xiisadda ayaa kusoo beegmaysa xilli dagaallada iyo iska horimaadyada ka socda Bariga Dhexe ay sii kordhinayaan walaaca laga qabo in colaadaha gobolka ay ku fidaan dalal kale. Riyadh ayaa sidoo kale wadday dadaallo lagu xoojinayo iskaashiga amni ee ay la leedahay xulafadeeda muhiimka ah.
Sida ay sheegeen ilo-wareedyo gobolka ah, Sacuudi Carabiya, Turkiga iyo Pakistan ayaa la filayay inay ka wada hadlaan ama saxiixaan heshiis iskaashi oo dhinaca difaaca ah, iyadoo Ra’iisul Wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif uu booqday Sacuudiga, halka Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan lagu waday inuu booqdo boqortooyada.











