Cumar Cabdirashiid: Isku dhac ka dhaca Gaalkacyo wuxuu halis gelin karaa amniga Puntland iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada

0

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa si adag uga digay khatarta ka dhalan karta xiisadaha sii kordhaya ee magaalada Gaalkacyo, isaga oo ugu baaqay maamulka Puntland in uu ka fogaado tallaabo kasta oo horseedi karta iska horimaad hubeysan oo dhex mara ciidamada Puntland.

Qoraal uu ku daabacay bartiisa X, Sharmaarke ayaa sheegay in xaaladda Gaalkacyo aysan la mid ahayn hawlgallada ka socda buuraha Calmiskaad, isagoo xusay in aanay jirin wax saldhig sharci ama duruufo amni oo qiil u noqon kara dagaal ka dhex qarxa ciidamada Puntland.

“Waa in maamulka Puntland ka waantoobaa dagaal gardarro ah oo ka dhan ah ciidamada kale ee Puntland, iyadoo aan jirin wax cudurdaar sharci ah,” ayuu ku yiri qoraalkiisa.

Ra’iisul Wasaarihii hore ayaa sheegay in ciidamada iyo hubka culus ee lagu ururinayo magaalada Gaalkacyo ay halis ku yihiin amniga guud ee Puntland, isla markaana ay wiiqi karaan dadaallada lagula dagaallamayo kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish, kuwaas oo weli khatar ku ah deegaanno ka tirsan Soomaaliya.

Wuxuu intaa ku daray in haddii xiisaddaasi isu beddesho dagaal, ay ka dhalan karaan cawaaqib culus oo ay ka mid yihiin xasillooni-darro ku faafta gobolka, barakac iyo dhibaato bani’aadamnimo, burbur dhaqaale iyo suurtagalnimada in dhinacyo kale ay ku lug yeeshaan colaadda, taas oo sii adkayn karta xal u helidda xaaladda.

Sharmaarke ayaa ugu dambeyn ugu baaqay madaxda Puntland, isimada dhaqanka, waxgaradka iyo culimada inay qaataan doorkooda ku aaddan dejinta xiisadda, isla markaana ay ka shaqeeyaan in la helo wada-hadal iyo xal nabadeed ka hor inta aysan xaaladdu isu rogin iska horimaad sababa khasaare naf iyo maalba leh.

Xiisadda ka taagan Gaalkacyo ayaa imanaysa xilli ay soo baxayaan warar sheegaya dhaqdhaqaaqyo ciidan iyo abaabul ka socda magaalada, inkastoo aan weli si rasmi ah loo shaacin tallaabooyin horseedi kara iska horimaad toos ah.