Soomaaliya oo sheegtay in mashruuca lacagta Shilin Soomaaliga cusub uu marayo heer gabagabo ah

2

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in mashruuca daabacaadda iyo hirgelinta lacagta cusub ee Shilin Soomaaliga uu galay marxalad aad u horumarsan, kadib sannado badan oo lagu soo diyaarinayay dhinacyada sharciyeynta, siyaasadda lacagta, maalgelinta iyo qorsheynta farsamo.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige, ayaa sheegay in dowladda ay horumar weyn ka samaysay dejinta siyaasadda lacagta, dib-u-eegista shuruucda Bangiga Dhexe, diyaarinta qorshayaasha farsamo iyo saadka, iyo sidoo kale raadinta dhaqaalaha lagu fulinayo mashruuca. Wuxuu xusay in qorshaha fulinta si rasmi ah loo shaacin doono marka la soo gabagabeeyo diyaar-garowga.

Dhankiisa, Guddoomiye Ku-xigeenka Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, Cali Yaasiin, ayaa sheegay in diyaarinta lacagta cusub ay socotay ku dhowaad siddeed sano, Wuxuu tilmaamay in hirgelinta lacagta cusub ee dalka oo dhan ay u baahan doonto in ka badan $70 milyan, taas oo lagu daboolayo kharashaadka daabacaadda lacagta, dib-u-furista laamaha Bangiga Dhexe, gaadiidka lacagta iyo dhismaha nidaamyo amni oo lagu kaydiyo laguna qaybiyo lacagta cusub.

“Caqabadda ugu weyn ma aha daabacaadda lacagta, balse waa sidii si ammaan ah loogu qaybin lahaa guud ahaan dalka, maadaama Soomaaliya ay muddo ku dhow soddon sano ka maqnayd shabakad bangi dhexe oo si buuxda u shaqeysa,” ayuu yiri Cali Yaasiin.

Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi, ayaa isaguna sheegay in bangigu muddo dheer ka shaqeynayay mashruucan, isagoo xusay in jadwalka rasmiga ah ee lagu soo saarayo lacagta cusub la shaacin doono marka la dhammaystiro shuruudaha farsamo iyo howlgal ee harsan.

Mas’uuliyiintan ayaa hadalladan ka jeediyay intii uu socday Shirweynaha Afraad ee Siyaasadda Dhaqaalaha ee Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Sida ay sheegeen mas’uuliyiintu, mashruuca lacagta cusub waxaa looga gol leeyahay in lagu xoojiyo nidaamka lacagta dalka, kor loogu qaado xasilloonida maaliyadeed, isla markaana lagu dardargeliyo casriyeynta hannaanka maaliyadeed ee Soomaaliya.

Ilaa hadda, dowladda ma shaacin taariikh rasmi ah oo la bilaabayo isticmaalka lacagta cusub.