Golaha Wasiirada Soomaaliya oo cambaareyay booqashada Madaxweyne Cirro uu ku tagay Israa’iil

0

Xukuumadda Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay booqashadii uu Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ku tegay Israa’iil iyo dhulka Falastiiniyiinta ee la haysto, iyadoo ku tilmaantay tallaabadaas mid ka hor imaanaysa Dastuurka Soomaaliya, sharciga caalamiga ah iyo madaxbannaanida dalka.

Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa sheegay in maamulka xiriirrada dibadda iyo heshiisyada caalamiga ahi ay yihiin awood u gaar ah Dowladda Federaalka, isla markaana tallaabo kasta oo ka baxsan nidaamkaas ay dhaawacayso midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Booqashada ayaa dhalisay cambaareyn ka timid dhinacyo badan oo Carbeed iyo Falastiiniyiin ah, Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta ayaa ku tilmaamay socdaalka iyo tallaabooyinka la xiriira furitaanka matalaad diblomaasiyadeed ee Qudus kuwo jabinaya sharciga caalamiga ah isla markaana xadgudub ku ah madaxbannaanida Soomaaliya iyo xaaladda sharci ee magaalada Qudus.

Sidoo kale, Baarlamaanka Carabta ayaa cambaareeyay dhaq-dhaqaaqyadaas, isagoo ku baaqay in la ixtiraamo midnimada dhuleed ee Soomaaliya isla markaana aan la aqbalin tallaabooyin wax ka beddelaya xaaladda sharci ee Qudus.

Maamulka Falastiin ayaa iyaduna muujisay taageeradeeda buuxda ee madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, waxayna cambaareysay tallaabo kasta oo ay sheegtay inay hareer marayso dowladda federaalka ee Muqdisho.

Dhanka kale, dhaqdhaqaaqa Xamaas ayaa sidoo kale cambaareeyay xiriirka sii xoogeysanaya ee u dhexeeya Israa’iil iyo Somaliland, isagoo ku tilmaamay mid lid ku ah qadiyadda Falastiin iyo midnimada Soomaaliya, halka kooxda Xuuthiyiinta ee Yemen ay warbaahintooda ku dhaleeceeyeen tallaabadaas kuna sheegeen inay qayb ka tahay ballaarinta saameynta Israa’iil ee gobolka Geeska Afrika iyo Badda Cas.

Falcelimahan ayaa kusoo beegmaya iyadoo xiriirka Israa’iil iyo Somaliland uu sii xoogeysanayo tan iyo markii Israa’iil ay aqoonsatay Somaliland dabayaaqadii sannadkii 2025, arrin ay Soomaaliya iyo dalal badan oo Carbeed iyo Islaami ahi ku tilmaameen xadgudub ka dhan ah madax-bannaanida Soomaaliya iyo xeerarka caalamiga ah.