Urur-goboleedka IGAD ayaa ku baaqay is-xakameyn iyo in la ixtiraamo madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, iyadoo laga duulayo wararka soo baxaya ee la xiriira xaaladaha cusub ee dalka.
War-saxaafadeed ay IGAD soo saartay ayaa lagu sheegay in ururku uu mar kale adkeeyay sida uu uga go’an yahay ilaalinta madax-bannaanida, midnimada, wadajirka dhuleed iyo madax-bannaanida siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, si waafaqsan heshiisyada IGAD, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.
IGAD ayaa sheegtay inay la socotay wararka la xiriira qorshaha lagu furayo safaarad ay Somaliland ku yeelanayso magaalada Quddus (Jerusalem), iyadoo ku celisay mowqifkeedii hore ee ahaa in si buuxda loo ixtiraamo midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.
Ururku wuxuu xusay in tallaabo kasta ama hindise kasta oo wax u dhimaya madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya uu yahay arrin walaac leh oo u baahan in laga fogaado.
IGAD ayaa sidoo kale ka digtay in tallaabooyinka noocaas ah ay kordhin karaan xiisadaha siyaasadeed, isla markaana ay caqabad ku noqon karaan dadaallada lagu xoojinayo nabadda iyo xasilloonida gobolka.
Ururku wuxuu carrabka ku adkeeyay in ilaalinta madaxbannaanida Soomaaliya ay tahay tiir muhiim u ah amniga iyo iskaashiga Geeska Afrika, isagoo ugu baaqay dhammaan dhinacyada inay muujiyaan is-xakameyn.
War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale ku boorriyay dhammaan dhinacyada ay khusayso inay ixtiraamaan mabaadi’da ku cad xeerarka caalamiga ah, kuwa Midowga Afrika iyo heshiisyada IGAD ee ku saabsan ilaalinta madax-bannaanida dalalka xubnaha ka ah.
Baaqa IGAD ayaa imanaya xilli ay sii kordhayaan falcelinnada gobolka iyo kuwa caalamka ee ku aaddan in Somaliland ay safaarad ka furatay magaalada Quddus.











