Musharraxiinta xilka hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Dr. Cabdicasiis Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari), ayaa sheegay inay walaac xoogan ka qabaan faragelin lagu sameynayo hannaanka codbixinta doorashada, kaddib markii ay guddiga doorashada u gudbiyeen cabasho ku saabsan habraaca doorashada.
“Waxaan aaminsanahay in doorasho xor ah, xalaal ah oo lagu kalsoonaan karo ay ku dhisan tahay dhowrista sirta cod-bixinta, madaxbannaanida xildhibaannada iyo ku dhaqanka shuruucda doorashada. Sidaas darteed, waxaan ugu baaqaynaa hay’adaha ay khusayso inay si degdeg ah uga jawaabaan cabashooyinka la gudbiyay si loo ilaaliyo kalsoonida iyo sharciyadda doorashada.” Ayay yiraahdeen musharaxiinta.
Dhinaca kale, Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka Soomaaliya ayaa ka jawaabay cabashooyin ay soo gudbiyeen musharraxiinta u tartamaya xilka hoggaamiyaha Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed, isagoo sheegay in la qaaday dhammaan tallaabooyinka lagu xaqiijinayo hufnaanta iyo amniga doorashada.
War-saxaafadeed uu guddigu soo saaray ayaa lagu sheegay in amniga goobta doorashada ay si buuxda masuul uga yihiin guddiga, isla markaana loo diyaariyey ciidamo gaar ah oo ka madaxbannaan dhammaan musharraxiinta tartamaysa, si loo xaqiijiyo jawi amni oo dheellitiran.
Guddigu wuxuu sidoo kale sheegay in goobta loo asteeyey doorashada ay tahay meel dhexdhexaad ah oo ka madax bannaan musharraxiinta, ayna u siman tahay dhammaan dhinacyada ka qaybgalaya tartanka, iyadoo arrintaas lagu saleeyey qodobbo ka tirsan sharciga doorashooyinka dalka.
Dhanka kale, guddigu wuxuu xildhibaannada codkooda dhiibanaya ku wargeliyey in aan loo oggolayn inay taleefannada gacanta ama qalab kale la galaan qolalka codbixinta, si loo ilaaliyo qarsoodiga codka loogana hortago wax kasta oo saameyn kara habsami u socodka doorashada.











