Soomaaliya oo ka falcelisay diidmada Mareykanka ee Garsoore Cumar Cartan

0

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga ee Soomaaliya ayaa sheegtay inay si weyn uga xun tahay caqabadda la xiriirta safarka garsooraha caalamiga ah ee Soomaaliyeed, Cumar Cabdulqaadir Cartan, kadib markii loo diiday gelitaanka Mareykanka xilli uu ku sii jeeday hawlo la xiriira tartanka Koobka Adduunka 2026.

War-saxaafadeed ay wasaaraddu soo saartay maanta oo Talaada ah ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay la socoto xaaladda Cartan, isla markaana ay wado dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu doonayo in xal degdeg ah loogu helo arrinta.

Wasaaraddu waxay sheegtay inay arrinta kala shaqeynayso hay’adaha ay khuseyso, iyadoo xustay in garsooraha Soomaaliyeed uu astaan u yahay horumarka ay sameeyeen bahda kubadda cagta Soomaaliya sannadihii u dambeeyay.

Cartan ayaa la filayay inuu noqdo mid ka mid ah garsoorayaasha ka qeyb gala Koobka Adduunka 2026, taasoo ka dhigan guul taariikhi ah oo u soo hoyatay Soomaaliya. Hase yeeshee, warar soo baxay ayaa muujinaya in loo diiday gelitaanka Mareykanka inkastoo uu haystay fiise sax ah, arrin ay masuuliyiinta Mareykanku ku sababeeyeen baaritaanno amni iyo sharciyeed.

FIFA ayaa xaqiijisay in Cartan uusan awoodi doonin inuu ka qeyb galo tababarrada iyo hawlaha garsoornimo ee tartanka, iyadoo sheegtay in go’aannada socdaalka ay ka baxsan yihiin awoodda hay’adda kubadda cagta adduunka.

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga ayaa ku tilmaantay Cartan mid sumcad weyn u soo hooyay Soomaaliya, iyadoo xustay in guulihiisa garsoornimo ay dhiirrigelin u yihiin jiilka cusub ee ciyaaraha dalka.

Dhanka kale, taageerayaal iyo masuuliyiin Soomaaliyeed ayaa muujiyay walaac ku saabsan saameynta ay arrintani ku yeelan karto matalaadda Soomaaliya ee masraxyada isboorti ee caalamiga ah, xilli Cartan loo aqoonsan yahay mid ka mid ah garsoorayaasha ugu sarreeya Afrika.