Waxaa magaalada Muqdisho ka socda wadahadallo siyaasadeed oo heer sare ah, kuwaas oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mucaaradka, iyadoo dowladda Turkiga ay si rasmi ah u waddo dhexdhexaadinta.
Mas’uuliyiin ka socda dowladda Turkiga ayaa bilaabay kulamo xiriir ah oo ay la leeyihiin labada dhinac, iyadoo diiradda lagu saarayo xal u helidda khilaafka ka taagan arrimaha doorashooyinka dalka.
Dhanka kale, Turkiga ayaa door muhiim ah ka ciyaaraya isku xirka iyo gudbinta fariimaha labada dhinac.
Taliye ku xigeenka Sirdoonka Turkiga ayaa saacadihii ugu dambeeyay kulamo gaar gaar ah la qaatay madaxda DFS iyo xubnaha siyaasiyiinta Mucaaradka, iyagoo u kala dab qaadaya labada dhinac.
Wadahadallada Turkiga ayaa loo arkaa kuwa ugu culus ee haatan socda, waxaana natiijadooda si weyn u saameyn doonta jihada siyaasadda Soomaaliya bilaha soo socda.











