Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa sheegay in banaanbaxa ay mucaaradku ku baaqeen inuu yahay xuquuq uu dammaanad qaaday dastuurka dalka.
Shariif Sheekh Axmed oo ka hadlay madal ay isugu yimaadeen siyaasiyiinta mucaaradka ah, laguna adkeynayay qabsoomidda banaanbaxa la qorsheeyay 4-ta Juun, ayaa shacabka ugu baaqay inay ka qeyb qaataan isu soo baxa lagu wado inuu ka dhaco magaalada Muqdisho.
Banaanbaxu waa xaq Dastuuri ah mana jirto meel naloo cayimayo in aan ku banaanbaxno”.Madaxweynihii hore Sheekh Shariif.











