Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dowladda federaalka Soomaaliya, Cali Yuusuf Cali Xoosh, ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxweynaha Said Abdullahi Deni, isaga oo ku eedeeyay inuu caqabad ku yahay dowladnimada, midnimada dalka iyo horumarka Soomaaliya.
Wasiir Cali Xoosh wuxuu sheegay in siyaasadda Deni ay ku dhisan tahay laba arrimood oo kala ah, carqaladeynta wax kasta oo dalka horumarinaya iyo taageeridda wax kasta oo kala qeybin ama dib u dhac keenaya”.
Cali Xoosh ayaa ku eedeeyay Deni inuu hore uga horyimid qorshayaal ay kamid yihiin deyn cafinta Soomaaliya, doorasho qof iyo cod ah, ka faa’iideysiga khayraadka dalka iyo dhismaha ciidanka qaranka.
Wuxuu sidoo kale sheegay in madaxweynaha Puntland uu taageeray dano shisheeye isla markaana Puntland u adeegsaday cadaadis siyaasadeed oo lagu saaro dowladda dhexe.
Puntland ayaa ku baaqday in la qabto shir degdeg ah oo ay isugu yimaadaan dhammaan dhinacyada siyaasadda Soomaaliya si looga heshiiyo hannaan doorasho oo loo dhan yahay.











