Xoghaynta Guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa si adag u cambaareysay wararka sheegaya maamulka Somaliland ay qorsheyneyso in waxa loogu yeero safaarad inay ka furato magaalada Qudus la haysto (Jerusalem).
Bayaan kasoo baxay Xoghaynta Guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka OIC ayaa lagu sheegay in tallaabadan ay si cad uga hor imaaneyso go’aannada beesha caalamka, qawaaniinta Axdiga Qaramada Midoobay, iyo qaraarrada caalamiga ah ee la xiriira xaaladda magaalada Qudus.
Ururka ayaa sidoo kale caddeeyay in Israa’iil, ay awood gumeysi, aysan wax madax-bannaani sharci ah ku lahayn Bariga Qudus, islamarkaana magaaladaas loo aqoonsan yahay caasimadda Dowladda Falastiin. OIC waxay xustay in isku day kasta oo lagu beddelayo xaaladda siyaasadeed, juqraafiyeed ama dadweyneed ee magaalada Qudus uu yahay mid ka hor imaanaya sharciga caalamiga ah.
Dhanka kale, Xoghaynta Guud ee OIC waxay markale xaqiijisay taageerada buuxda ee ay la garab taagan tahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan ilaalinta madax-bannaanideeda, midnimadeeda dhuleed iyo xasilloonida gobolka.
Ugu dambeyn, OIC waxay ugu baaqday dhammaan dowladaha iyo hay’adaha caalamiga ah inay cambaareeyaan tallaabo kasta oo sharci-darro ah oo lagu taageerayo gooni-u-goosad, isla markaana aysan siin wax aqoonsi sharciyeed hay’ad aan caalami ahaan loo aqoonsanayn.











