Dowladda Masar ayaa si adag u cambaareysay tallaabada sharci-darrada ah ee la xiriirta furitaanka waxa loogu yeeray “safaaradda Somaliland” ee magaalada Qudus, gaar ahaan bariga magaalada ee la haysto.
War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Masar ayaa lagu sheegay in tallaabadaasi ay si cad uga hor imaaneyso sharciga caalamiga ah iyo go’aannada sharciyadeed ee ay soo saareen Qaramada Midoobay iyo hay’adaha kale ee caalamiga ah.
War-saxaafadeedka ayaa lagu adkeeyay in Qudus ay tahay dhul Falastiiniyiin ah oo la haysto tan iyo sanadkii 1967, islamarkaana tallaabo kasta oo lagu beddelayo xaaladdeeda sharci iyo taariikheed ay tahay waxba kama jiraan oo aan lahayn wax saameyn sharci ah.
Dowladda Masar ayaa sidoo kale muujisay taageeradeeda buuxda ee midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Somalia, iyadoo si cad uga hortimid tallaabo kasta oo wax u dhimaysa midnimada dhulka Soomaaliyeed ama hoos u dhigaysa madaxbannaanida dalka.
Qoraalka ayaa imanaya iyadoo dowladda federaalka Soomaaliya ay hore u cambaareysay qorshaha maamulka Somaliland uu ku sheegay inuu ka furayo xafiis diblomaasiyadeed magaalada Qudus, arrin dhalisay falcelin siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed oo ka timid dalal Carbeed iyo kuwo Islaami ah.











