Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay si dhow ula socoto xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, iyadoo ugu baaqday Madaxweyne iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka inay sii wadaan wada-hadallada si heshiis looga gaaro khilaafka doorashooyinka iyo arrimaha la xiriira.
“Xoghayaha Guud wuxuu soo dhaweynayaa diyaar garowga labada dhinac ee wada-hadalka, wuxuuna ku dhiirrigelinayaa inay sii wadaan wadahadallada si loo gaaro heshiis ku saabsan jihada doorashooyinka iyo arrimaha kale ee la xiriira,” ayuu yiri Farxan Xaq.
Bayaanka Qaramada Midoobay ayaa imanaya kadib markii shirar siyaasadeed oo maalmahan ka socday Muqdisho ay ku dhammaadeen is-afgarad la’aan, iyadoo ay weli taagan yihiin murannada la xiriira hannaanka doorashada, dastuurka iyo muddo-kordhinta dowladda.
illaa iyo hadda Safiirada Beesha caalamka ee fadhigoodu yahay magalada Muqdisho ayaa wada isku day labada dhinac markale miiska wada hadalka laiskugu keenayo si ay heshiis uga gaaraan khilaafkoodi salka ku haaya Doorashooyinka.











