Shir Horumarinta Afrika iyo Faransiiska Soomaali ay qeyb tahay oo Ka Socda Nairobi

8

Maalinta labaad ee shirka Horumarinta Afrika oo ka socda dalka Kenya ayaa waxaa ka qeyb galaya madax iyo mas’uuliyiin ka kala socda in ka badan 30 dal oo Afrika ah. Shirkan ayaa diiradda saaraya iskaashiga horumarineed, maalgashiga, iyo dib-u-habaynta nidaamyada maaliyadeed ee qaaradda.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa soo bandhigay qaab cusub oo iskaashi oo u dhexeeya Faransiiska iyo dalalka Afrika, isagoo adkeeyay muhiimadda xiriir ku dhisan sinnaan iyo iskaashi dhab ah.

Hogaamiyayaasha Afrika ayaa maalintii labaad ee shirkan ku riixayay isbeddello u sahlaya dalalkooda helitaanka deyn iyo in la kordhiyo maalgashiga, si loo dardargeliyo koboca dhaqaalaha qaaradda.

Macron ayaa ammaanay shirka, isagoo sheegay in lagu soo ururiyay maalgashi gaaraya 23 bilyan oo Yuuro oo Afrika loogu talagalay, taas oo uu ku tilmaamay caddeyn muujinaysa sida Faransiisku uga go’an tahay iskaashi la siman oo uu la yeesho Afrika.

Martiqaad uu ka helay Macron awgeed, Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa lagu wadaa inuu ka qeyb galo shirka G7 ee bisha soo socota ka dhici doona Évian-les-Bains ee dalka Faransiiska, isagoo sheegay inuu rajeynayo in uu sii ambaqaado wada-hadallada Nairobi.

Hogaamiyayaasha Afrika ayaa sidoo kale sheegay in dalalkooda ay wajahaan khatar sare oo la xiriirta deymaha, taas oo adkeynaysa helitaanka maalgelin iyo hoos u dhigaysa koboca dhaqaalaha.

Macron ayaa sheegay in uu taageersan yahay abuurista hannaan dammaanad qaad ah oo lagu yareynayo khatarta maalgashiga Afrika, si loo kordhiyo qulqulka raasumaalka ee qaaradda.