Ciidankii Lafta gareen oo weerar ku qaaday Magaalada Baydhabo

7

Wararka laga helayo magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in xiisadda siyaasadeed iyo mid amni ay ka taagan tahay magaalada Baydhabo, kadib markii xalay gudaha magaalada Baydhabo uu ka dhacay dagaal u dhexeeyay ciidamada taabacsan Lafta gareen iyo ciidamada dowladda Soomaaliya.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in ciidamadaasi lagu arkay xaafado iyo waddooyin muhiim ah oo ay kamid yihiin Xanaano, Al-Faras iyo waddada 30-ka, halkaas oo ay ka sameeyeen dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo si weyn looga hadal hayo magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah ee maamulka Koofur Galbeed.

War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska Booliska Gaarka ah ee KGS ee Taabacsan lafta gareen ayaa waxaa ay war ka soo saareen dagaalkii ka dhacay magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.

“Ciidamada Booliiska Gaarka ee Dowladda Koonfur Galbeed ayaa howlgallo culus ka wada gudaha magaalada Baydhabo. Dhowr xarumood oo fadhiisimo u ah ciidanka Salbalaar 2 ayaa lagu qaaday howlgal, waxaana jira khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo la gaarsiiyey maleeshiyaadka Xasan Sheekh Maxamuud iyo daba-dhilifkooda.
Waxaa si adag loogu digayaa cid kasta oo isku dayda inay carqaladeyso amniga magaalada ama ay gacan siiso kooxaha falalka amni-darrada wada. Hay’adaha amniga ee sharciga ah waxay tallaabo sharci ah ka qaadi doonaan shaqsi kasta oo lagu helo falal lid ku ah nabadgelyada iyo xasilloonida shacabka.
Sidoo kale, shacabka magaalada Baydhabo waxaa lagu wargelinayaa inay ka fogaadaan goobaha ay howlgalladu ka socdaan, isla markaana la shaqeeyaan ciidamada amniga si loo xaqiijiyo nabadgelyada guud ee magaalada.”

Dhaqdhaqaaqyadan cusub ayaa kusoo aadaya xilli gobolka ay ka jiraan murano siyaasadeed iyo loollan xooggan oo ku saabsan hoggaanka maamulka Koonfur Galbeed, iyadoo dhinacyada isku haya siyaasadda ay wadaan abaabulo iyo dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeeda.