Koonfur Galbeed: Doorasho qof iyo cod ah oo si rasmi ah looga daahfuray Baydhabo

0

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay bilowga doorasho qof iyo cod ah oo ka bilaabatay Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Cabdikariim Axmed Xasan ayaa ka sheegay magaalada Baydhabo in doorashada golaha deegaanka iyo golaha wakiilada oo isku sidkan ay si rasmi ah u bilaabatay, iyadoo lagu qabanayo 13 degmo oo ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed.

“Maanta waxaan si rasmi ah u daahfurnay doorashooyinka golaha deegaanka iyo golaha wakiilada ee Koonfur Galbeed Soomaaliya,” ayuu yiri Cabdikariim Axmed Xasan, isagoo la hadlaayay warbaahinta kusugan magaalada Baydhabo.

Doorashadan ayaa lagu tilmaamay mid ka duwan kuwii hore, maadaama ay isku mar ku tartamayaan Golaha Deegaanka iyo Golaha Wakiilada, oo ka kooban 95 xubnood.

Guddigu wuxuu sheegay in 15 urur siyaasadeed ay ka qeybgalayaan Golaha Wakiilada, halka 394 musharax ay tartamayaan, sidoo kalana ay 18 urur siyaasadeed ay ka qeybgalayaan Golaha Deegaanka, iyadoo 1,297 musharax ay u tartamayaan 13 degmo

Guddigu wuxuu sheegay in natiijooyinka hordhaca ah lagu dhawaaqi doono 24 saac gudahood, isla markaana wixii ka dambeeya doorashada Koonfur Galbeed laguda gali doono kuwa maamul goboleedyada kale ee dalka sida Galmudug, HirShabelle, Jubbaland iyo Waqooyi Bari.

Cabdikariim Axmed Xasan ayaa sheegay in doorashadani ay tahay mid lagu tijaabinayo nidaamka “qof iyo cod”, isla markaana ay tahay horumar muhiim ah oo ka mid ah geeddi-socodka dib-u-dhiska dowladnimada Soomaaliya.

Guddigu wuxuu shacabka ku boorriyay inay si nabad ah uga qeyb qaataan doorashada, isla markaana ay muujiyaan kalsooni iyo masuuliyad si loo ilaaliyo hufnaanta geeddi-socodka.