Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in aanay diidaneen dibadbax si nabadgalyo u qabsooma oo Mucaaradku ku qabsado Magaalada Muqdisho ay diidan tahay in la siyaasadeedo isla markaana lagu dhaawaco xasiloonida.
Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa looga digay in isusoo baxoodu uu noqdo mid abuura rabshado, Siyaasadaysan ama mid kicinaya Bulshada sida hadalka loo dhigay.
Warka Dowladda ayaa Walaac looga muujiyay Rag hubaysan oo la sheegay in Mucaaradku uruurinayaan, waxaa kahortag iyo Ilaalin lagu sifeeyay Ciidamada Dowladdu ay dhigtay Waddooyinka Magaalada Muqdisho.
Dowladda Soomaaliya ayaa beesha caalamka la wadaagtay warsaxaafadeed ay ku eedeysay mucaaradka inay abaabuleen banaanbax ay qaab beeleed ugu qaybiyeen magaalada Muqdisho.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in aysan aqbali karin dibadbaxyo hubeysan oo rabshada wata kuwaasi oo ay sheegtay inay qorsheynayaan mucaaradka.
“Warbixinnada amniga ayaa tilmaamaya in xubno hubeysan oo lala xiriirinayo ama taageersan mucaaradka lagu arkay meelo kala duwan oo magaalada ah, oo ay ku jiraan deegaanno dad rayid ahi ku badan yihiin, taas oo kordhinaysa halista shacabka aan waxba galabsan ay wajahaan iyo in goobaha rayidka loo adeegsado sidii meelo qabiil loogu daboolo abaabul siyaasadeed”ayaa lagu sheegay war ka soo baxay wasaarada Warfaafinta Soomaaliya











