Mucaaradka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay inay qabanayaan banaanbax ballaaran oo ka dhici doona magaalada Muqdisho maalinta 10-ka May, kaasoo lagu muujinayo diidmada ay ka qabaan siyaasadda dowladda Federaalka.
Banaanbaxan ayaa ku beegan isla maalinta uu casuumaadda wadatashiga u fidiyay madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud, taasoo mucaaradku u arkaan mid ay qaadaceen haddii aan la fulin shuruudahooda, oo ay ugu weyn tahay joojinta doorashada ka socota Koofur Galbeed.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa sheegay in xaaladda ka jirta Muqdisho ay tahay mid aan laga aamusi karin, isagoo xusay in shacabka ay wajahaan dhibaatooyin culus, gaar ahaan kuwa la barakiciyay.
Shariif Sheekh Axmed ayaa sidoo kale ku baaqay in shacabka ay si weyn uga qeyb qaataan banaanbaxa 10-ka May, isaga oo tilmaamay in uu yahay mid looga soo horjeedo barakicinta iyo cadaadiska lagu hayo dadka rayidka ah.
“Maalinta Axadda waa inay shacabka Muqdisho isu soo baxaan, fasax uma baahna, waana inay si nabad ah ugu laabtaan guryahooda,” ayuu yiri Shariif, isagoo ay hareer taagnaayeen qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha mucaaradka.











