Dowladda Uganda ayaa ku dhawaaqay inay Soomaaliya usoo dirayso guutada dagaalka lambarkeedu yahay 47-aad, taas oo qeyb ka noqon doonta howlgalka nabad ilaalinta ee Midowga Afrika, kadib markii ay soo dhammaystirtay tababaro adag oo loo diyaarinayay howlgalkaan si ay ugu soo biiraan.
Saraakiisha milatariga ayaa sheegay in ciidankan tan iyo bishii Nofeembar ay ku jireen tababaro dhameystiran oo dhinacyada jir dhiska, maskaxda iyo hawlgallada ah, islamarkaana heerka diyaar garowgoodu gaaray 95%, taas oo muujinaysa sida ay ugu diyaar yihiin howlgalka.
Guutadan cusub ayaa la filayaa inay ku biirto ciidamada ee ka howlgala Soomaaliya , kuwaas oo qeyb ka ah Hawlgalka Midowga Afrika ee taageerada iyo xasillinta Soomaaliya, si ay uga qeyb qaataan sugidda amniga iyo dhismaha nabadda dalka.
Taliyeyaasha ciidanka ayaa sidoo kale adkeeyay muhiimadda anshaxa iyo dhowrista sumcadda ciidanka Uganda, iyagoo sheegay in askartu ay matalayaan dalkooda marka ay joogaan fagaaraha caalamiga ah.











