Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa dib ugu laabtay magaalada Kismaayo xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka kala dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Dib u soo laabashada Madaxweynaha ayaa la xiriirta abaabul siyaasadeed iyo mid militari oo la sheegay inuu ka wado gudaha Jubbaland, gaar ahaan gobolka Gedo, halkaas oo ay ka taagan tahay xiisad u dhaxeysa maamulka Jubbaland iyo Villa Soomaaliya.
Maamulka Jubbaland ayaa si adag u diiday qorshaha dowladda dhexe ee ku aaddan qabashada doorashooyin ka dhaca deegaanno hoos yimaada maamulkaas, gaar ahaan Gedo. Guddiga doorashooyinka madaxa bannaan ee dowladda Federaalka ayaa hore u shaaciyay jadwalka doorashooyin lagu qabanayo degmooyin ka tirsan gobolkaasi.
Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan, ayaa sheegay in ay la yaab ku noqotay sababta dowladda Federaalka ay u beegsaneyso gobolka Gedo oo kaliya, isagoo xusay in Jubbaland ay ka kooban tahay saddex gobol, isla markaana aan loo sinnayn qorshaha doorashooyinka.
Dhinaca kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u aragta doorashada qof iyo cod ah mid muhiim u ah hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadda dalka, inkastoo aysan si rasmi ah uga jawaabin diidmada Jubbaland ee qorshahaasi.
Xiisaddan cusub ayaa kusoo beegmeysa xilli gobolka Gedo uu horey u ahaa meel ay ka dhaceen muranno siyaasadeed iyo kuwo amni, taasoo sare u qaadaysa walaaca laga qabo in xaaladdu isu beddesho mid ka sii daran.
Xaaladda Gedo ayaa u muuqata mid sii cakirmeysa, iyadoo labada dhinac ay ku adkeysanayaan mowqifyadooda, taasoo keeni karta iskahorimaad siyaasadeed iyo mid amni haddii aan xal degdeg ah laga gaarin.











