Abiy Axmed oo sheegay in Nabadda Geeska Afrika ku xiran tahay Itoobiya oo hesha marin badeed

3

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa markale ku celiyay mowqifkiisa ku aaddan muhiimadda ay leedahay in dalkiisu helo marin badeed, xili Addis Ababa isha ku hayso dekada Casab ee dalka Eritrea, taasoo xadka Itoobiya aad ugu dhaw.

Wareysi qoto dheer oo uu siiyay Telefishinka Qaranka Itoobiya, Abiy Axmed ayaa xusay in Geeska Afrika uusan heli doonin nabad iyo xasillooni waarta haddii Itoobiya ay sii ahaato dal aan bad lahayn. Wuxuu xusay in deked la’aantu ay tahay caqabadda ugu weyn ee hortaagan horumarka dhaqaalaha iyo tartanka caalamiga ah ee dalkiisa.

“Waxyaabaha ugu waaweyn ee Itoobiya u diidaya inay noqoto dal isku filan oo la tartami kara dhaqaalaha caalamka waa dekedo la’aan,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Abiy Axmed ayaa carrabka ku adkeeyay in Itoobiya, oo ah mid ka mid ah dalalka ugu dadka badan qaaradda Afrika, aysan sii ahaan karin mid ka go’an marinnada biyaha, isagoo arrintaas ku sifeeyay mid taabanaysa jiritaanka iyo masiirka dhaqaale ee qarankiisa.

Inkastoo uu xusay in dowladdiisu ay waddo qorshayaal lagu dhimayo ku tiirsanaanta dekedaha shisheeye—sida horumarinta tareennada, waddooyinka casriga ah, iyo xarumaha kaydka—haddana wuxuu adkeeyay in xalka rasmiga ah uu yahay in Itoobiya ay hesho