Madaxweyne Cirro: Waxa aanu aaminsanahay in Israa’iil ay tahay Saaxiib laysku halayn karo

2

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa sheegay in Israa’iil ay tahay saaxiib lagu kalsoonaan karo, kadib tallaabadii ay ku aqoonsatay Somaliland oo uu ku tilmaamay mid geesinimo leh oo taariikhi ah.

Madaxweynaha ayaa hadalkan ka jeediyay khudbaddiisa sanadlaha ahayd ee uu u jeediyay labada gole ee Baarlamaanka Somaliland, isaga oo si gaar ah ugu mahadceliyay dowladda Israa’iil go’aanka adag ee ay qaadatay. “Dowladda Israa’iil ee ku dhiiratay go’aanka ay ku aqoonsatay Somaliland, waxaan aaminsanahay in ay noqon doonto saaxiib laysku halayn karo,” ayuu yidhi madaxweynuhu.

Cabdiraxmaan Cirro ayaa sidoo kale muujiyay rajo xooggan oo ku aaddan in Israa’iil ayna kaligeed ku noqon doonin aqoonsiga, balse ay jiraan dalal kale oo dhowaan qaadi doona tallaabooyin la mid ah. Waxa uu tilmaamay in Somaliland ay haatan xidhiidho diblumaasiyadeed la yeelanayso dalal kale oo doonaya iskaashi iyo wada shaqayn u dhiganta aqoonsi.

Madaxweynaha ayaa xusay in aqoonsigan uu sidoo kale iftiimiyay cadowyo badan oo Somaliland leedahay, kuwaas oo si cad uga soo horjeestay tallaabadaas. Wuxuu ugu baaqay shacabka iyo hay’adaha xukuumada inay si midaysan u garab istaagaan aqoonsigan, isla markaana u diyaar garoobaan guulo kale oo uu sheegay inay soo socdaan.

Dhinaca kale, dowlado badan oo caalamka ah ayaa si adag uga horyimid aqoonsiga Somaliland, kuwaas oo ay hormuud u tahay dowladda Soomaaliya, isla markaana ay ku jiraan dalalka Masar, Turkiga iyo Jabuuti, dowlado kale oo badan iyo sidoo kale qaar ka mid ah ururrada gobolka iyo kuwa caalamiga ah.

Si kastaba ha ahaatee,  dowlada Israa’iil ayaa ku adkaysatay aqoonsiga Somaliland, isaga oo wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil, uu sheegay in Israa’iil anay mawqifkeeda badali doonin.