Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u beenisay hadal ay faafisay Israa’iil, gaar ahaan Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Sharren Haskel, oo ku dooday in uu jiro “xiriir gaar ah” oo ka dhaxeeya Tel Aviv iyo Muqdisho.
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Cumar Cali (Cali Balcad), ayaa ku tilmaamay hadalka kasoo baxay Israa’iil “been abuur iyo marin habaabin”, isaga oo caddeeyay inaanay jirin wax xiriir diblomaasiyadeed ah—toos ama dadban—oo ka dhaxeeya labada dhinac.
Sharren Haskel ayaa wareysi ay siisay i24NEWS ku sheegtay in Israa’iil iyo Soomaaliya ay leeyihiin “isfaham amni oo la xiriira ka hortagga Xuutiyiinta Yemen”, kuwaas oo ay Israa’iil ku eedeysay inay khatar ku yihiin Geeska Afrika.
DFS ayaa si buuxda u beenisay arrintaas, waxayna sheegtay in mowqifka Soomaaliya uu cad yahay: difaacida maslaxadda qaranka, ilaalinta madaxbannaanida siyaasadeed, iyo la shaqeynta beesha caalamka kaliya marka ay waafaqsan tahay maslaxadda dalka iyo mabda’a Soomaaliyeed ee taageerada Falastiin.
Cali Balcad ayaa ku adkeystay in dowladda Soomaaliya ay sii wadi doonto taageerada shacabka Falastiin, isla markaana ay mar walba ka jawaabi doonto war kasta oo lagu doonayo in lagu abuuro xiriir aan jirin.











