Abaarta ka jirta Soomaaliya ayaa laga cabsi qabaa inay sii daba dheeraato, kaddib markii uu di’i waayey roobkii la filayay ee xilliga Deyrta, taasoo sababtay in dad badan ay ka barakacaan deegaannadii ay ku noolaayeen markii ay waayeen biyo iyo baad.
Abaartu waxay si gaar ah u saameysay bulshada reer guuraaga ah oo nolol-maalmeedkoodu ku tiirsan yahay xoolaha ay dhaqdaan. Deegaanno badan ayaa laga soo sheegay dhimasho iyo dhimis xoolo, iyadoo dadku ay ku dhibtoodayaan helitaanka cunto iyo biyo nadiif ah.
“Meelaha ugu daran abaarta maanta ka jirta waxaa ka mid ah Galmudug,” ayuu yiri Maxamuud, isaga oo carabka ku adkeeyay in xaaladda ay kasii darayso maalinba maalinta ka dambeysa haddii aan gurmad degdeg ah la helin.
Hay’adda SoDMA, oo ah hay’adda dowladda u qaabilsan maareynta iyo la tacaalidda musiibooyinka dabiiciga ah, ayaa toddobaadyadii lasoo dhaafay digniinno isdaba joog ah ka bixisay abaarta daba dheeraatay ee dalka ka taagan.
Abaarta sannadkan ayaa noqonaysa mid ka mid ah kuwa ugu culus ee dalka ku dhuftay, iyadoo weli aan la saadaalin karin goorta roobabku imaan doonaan.











