Puntland oo shaacisay sababta uu u geeriyooday Laahoor.

3

Maamulka Puntland oo War rasmi ah soo saartay ayaa shaacisay natiijada ka soo baxday baaritaan lagu sameeyay meydka maxbuus, Cabdiraxmaan Shirwac Siciid Laahoor, kaasi oo ku dhintay xabsi ciidan oo ay maamusho hay’adda PMPF., sida uu sheegay wasiirka warfaafinta Puntland.

Sidoo kale Guddoomiyaha gobolka Bari, Cabdirisaaq Cali Siciid (Shaahdoon) oo warbaahinta u akhriyay natiijada ka soo baxday baaritaan uu sheegay in isbitaalka Bender Qaasim ee magaalada Boosaaso ku sameeyay meydka Laahoor ayaa shaaciyay xanuunnada uu u geeriyooday maxbuuskaasi ee baaritaanka lagu ogaaday.

Guddoomiye Shaahdoon oo beeniyay wararka ku saabsan in maxbuus Laahoor xabsiga lagu dilay ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay arrintaasi, waxaana uu sheegay in haddii dowladdu dilayso ay si toos ah tiirka u geyn lahayd, maadaama uu horay dil toogasho ah ugu xukunnaa.

Laahoor oo amiir u ahaa shabakad dilalka qorshaysan iyo qaraxyada u qaabilsanayd argagixisada Daacish oo dad badan ku dishay magaalada Boosaaso ayay Puntland dil ku xukuntay 2022-kii isaga oo maqane ah, balse wuxu gacanta dowladda soo galay horraantii bishii Febraayo ee sannadkan 2025