Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Afrika (SRCC) ee Soomaaliya, ahna Madaxa AUSSOM, Danjire Mohamed El-Amine Souef, ayaa soo dhoweeyay war-murtiyeedkii wadajirka ahaa ee 11-kii Bishaan laga soo saaray Magaalada Addis Ababa, ka dib wada hadalo dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.
Danjire Mohamed El-Amine Souef ayaa tilmaamay inay bogaadinayaan horumarka muhiimka ah ee laga gaaray xiriirka laba geesoodka ah ee Labada Dowladood.
Danjiraha ayaa shaaca ka qaaday in tani ay xaqiijineeyso in lasii wado kamira dhalinta qodobadii labada Dowladood ay ku heshiiyeen ee Shirkii ka dhacay Magaalada Ankara.
Mohamed El-Amine Waxa uu iftiimiyay muhiimadda ay leedahay in diiradda la saaro xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed, iskaashiga amniga, horumarinta isdhexgalka dhaqaale, kuwaas oo dhammaantood muhiim u ah horumarinta nabadda gobolka, xasilloonida iyo barwaaqada la wadaago.
Danjjraha ayaa ugu dambeyn waxa uu xusay in howlgalka AUSSOM ay ka go’an tahay in ay taageerto dadaallada xasilinta Soomaaliya iyo iskaashiga gobolka, si waafaqsan rabitaanka dadka Soomaaliyeed iyo aragtida Midowga Afrika ee nabad iyo barwaaqo Afrika ah.