Meydka Senator Gaagaab oo Muqdisho laga soodejiyay iyo aas maanta loogu sameenayo Garowe

10
Waxaa maanta Garoonka Aadan Cade laga soo dejiyay Meydka Alle ha u naxariistee Senator Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab oo ka tirsanaa Xubnaha Golaha Aqalka sare Ee Baarlamaanka Soomaaliya dhawaanna ku geeriyooday Turkiga kadib maalmo uu ku xanuunsanaa xaaladdiisa Caafimaadna lagula tacaalayay isbitaal ku yaalla Dalkaasi.

Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa Salaadda Janaasada kula tukaday Marxuumka Garoonka Aadan Cade ee Muqdisho iyadoo intaasi kadibna Meydka loo galbiyay Magaalada Garoowe ee Xarunta Dowlad Gobaleedka Puntland halkaas oo lagu wado in lagu aaso Senatorka.

Qaar kamid ah Masuuliyiintii ka qeyb gashay Salaadda Janaasada oo uu qeyb ka ahaa Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi iyo Wasiirka arimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa marxuumka Alle u weydiiyay dembi dhaaf iyagoona ugu duceeyay in Eebe Naxariistii Jano siiyo.

Dadkii kale ee ka qeyb galay waxaa kamid ahaa Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Geedi iyo Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya.

Salaadii Janaasada kadib Diyaarad gaar ah ayaa meydka Marxuum Gaagaab ka qaaday Garoonka Aadan Cade waxaana isla maanta aas Qaran loogu sameenaya Magaalada Garowe ee caasimadda Dowlad Goboleedka Puntland halkaasi oo ay ka socotay qaban qaabada aaska marxuumka, iyadoona Garoonka lagu diyaariyay mas’uuliyiin ka tirsan Puntland kuwaasi oo dhankoodi salaada Janaasada kutukan doona.