Sideed ruux oo lagu dilay dagaal beeleed dib uga qarxay degmada Luuq

14
Wararka naga soo gaaraya degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in markale uu saakay dib uga qarxay gudaha iyo duuleedka magaalada Luuq dagaal beeleed aad u xoogan.
Dagaalka ayaa lasoo warinaya inuu yahay mid culus oo labada maleeshiyo beeleed isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kale duwan, waxaana dagaalka xoogiisa la soo sheegaya inuu wali ka socda duleedka Bari ee degmada Luuq.

 

Dagaalka ayaa ah mid u dhaxeeya labadii beelood ee dhawaan ku dagaalamay gudaha degmdaas, waxaana lasoo sheegaya inuu dagaalka geystay khasaarooyin kala duwan.

 

Inta la xaqiijiyay ilaa 8 ruux oo ay ku jiraan dad shacab ah iyo labada maleeshiyo ayaa ku dhintay dagaalka ka socda degmada Luuq ee gobolka Gedo, kaasoo ah mid dhowrkii bilood ee la soo dhaafay labadaan maleeshiyo beeleed ku dhexmaraayay degmadaas.

 

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sidoo kale sheegaya in dagaalka saakay ka qarxay degmada Luuq iyo duuleedkeeda iney qeyb ka yihiin askar ka tirsan Booliiska ka howlgala magaaladaas.
Shir lagu heshiisiinaayay labadaan beelood oo bishaan gudaheeda ka dhacay magaalada Kisnaayo ayaa noqday mid fashilmay, kadib markii shirkaasi kadib dagaalkaan uu noqonayo kii labaad oo beelahaan ku dhexmara degmada Luuq ee gobolka Gedo.