Puntland oo shaqadii ka joojisay hay’ad ka howlgasha degaanada maamulka SSC Khaatumo

5

Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Ilyaas Cilmi Lugatoor  ayaa si rasmi ah shaqadii uga joojiyey Alight International oo kamid ah hay’adaha ka howlgalla magaalada Laascaanood, kadib markii lagu eedeeyay in ay ku xad gudubtay xeerar Puntland.

Shatigii ay hay’addan uga shaqayn jirtay Puntland ayaa lagala noqday sida uu sheegay ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Ilyaas Cismaan Lugatoor.

Go’aankan ayaa lagu ogeysiiyay hay’adaha UNICEF iyo WFP, kuwaas oo taageera mashaariicda ay hay’addan ka waddo gobolka Sool.

Puntland ayaa kula talisay UNICEF, WFP, iyo hay’adaha kale ee la-hawlgalayaasha ah inay joojiyaan wada-shaqeyn kasta oo socota ama mustaqbalka ah ee ay la yeelan doonaan hay’adda Alight International ee gudaha gobollada Puntland.

Dhinaca kale, guddoomiye ku xigeenka labaad ee aqalka sare, Cabdullaahi Xirsi Timacadde ayaa ka horyimid go’aanka Puntland, wuxuuna sheegay cid aan maamulka SSC Khaaatumo ahayn in aysan  Hay’adda Alight ka joojin karin shaqadeeda.

“Hay’adda Alight ee ka hawlgasha SSCKhaatumo cid aan Maamulka SSC khaatumo ahayn oo deegaanka ka saari kartaa ma jirto waxayna uga lexajeclo badantahay kuwo boodh isku qarin jirey haddase bannaanka iskeenay. Alight waa joogaysaa waana la difaacayaa,” ayuu yiri Timacadde.

Dhowaan ayay ahayd markii maamulka Khaatumo uu ku eedeeyay Puntland inay faragalin ku hayso arrimaha gudaha ee maamulkooda. Puntland ayaa dhawaan masuuliyiin u magacowday degaano hoos yimaada gobolada Sool.