Dowladda Soomaaliya oo Muqdisho kusoo celisay 164 tahriibayaal ah oo Liibiya ku dhibaataysnaa

4

164-tahriibayaal Soomaali ah oo ku xayirnaa dalka Liibiya ayaa maanta si nabad gelyo ah dib ugu soo laabtay Muqdisho, taasoo qayb ka ah dadaallo xiriir ah oo ay iska kaashanayaan Soomaaliya,  Midowga Yurub (EU), Ururka Socdaalka Adduunka IOM, iyo hay’adda qaxootiga UNHCR.

55 ka mid ah dadka dib loosoo celiyay ayaa loo qaaday Hargeysa, halka 109 ay ku hareen Muqdisho.

Qaar badan oo kamid ah tahriibayaasha dalka kusoo noqday ayaa xaalado adag kusoo qaatay xabsiyada kuyaalla dalka Libya, oo ah marin caan ah oo ay maraan muhaajiriinta isku dayaya inay gaaraan Yurub.

Mid ka mid ah dhalinyarada oo ka hadlay dib u soo laabashadooda ayaa yiri “Waan ku faraxsanahay inaan dib ugu soo laabto waddankii hooyo ee Soomaaliya. Waxaan rajeyneynaa inaan nolosheenna ku hagaajino halkan. Dhallinyarada Soomaaliyeed waxaan kula talinayaa inay iska ilaaliyaan inay aadaan dalal shisheeye sida Liibiya oo kale, waayo halkaas annaga ayaan ku dhibtoonnay”.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay dadaal dheer ugu jirto sidii ay wax uga qaban lahayd tahriibka dhallinyarada, iyadoo sheegtay in dib usoo celintan u dambeysay ay qeyb ka tahay dadaallo lagu soo celinayo muwaadiniinta ku xayiran  dibadda.

“Tani waa tallaabo muhiim ah oo lagu xaqiijinayo badqabka iyo mustaqbalka muwaadiniinteena,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Axmed Fiqi.

Liibiya ayaa muddo dheer marin u ah tahriibayaasha Soomaalida ee doonaya inay gaaraan Yurub.

Si kastaba ha ahaatee, burburka Liibiya ayaa sii xumeeyay xaaladda muhaajiriinta, taasoo keentay kororka afduubka, baadda iyo xarigga muhaajiriinta ay ku jiraan Soomaalida.