Shirkada Dahabshiil oo u Hoggaansantay Amaradii Dowlada Soomaaliya

8
Shirkada Dahabshiil ayaa mareegaheeda ka saartay magaca ‘Somaliland’ iyada oo u hoggaansamaysa amarkii dowlada Soomaaliya.

Dahabshiil ayaa dhawaan magaca ‘Somaliland’, kasaartay mareegaheeda dirista lacagaha, taasi oo ka   cadhaysiisay bulshada Somaliland, hadaba shirkada oo ka jawaabaysa talaabada ay qaaday, ayaa sheegtay in ay ku qasbantahay in ay raacdo shuruucda caalamiga ah.

“Dahabshiil waa shirkad caalami ah, oo ka shaqaysa in ka badan 120 waddan. Waxaanu nahay caalami sida Fly Dubai, Fly Ethiopia iyo Turkish Airlines. Dahabshiil waxay ka bilaabantay Burco, Somaliland, waxa ayna noqotay caalami. Waanu sii wadi doonaa in aanu dhamaantiinba idiin adeegno” ayaa lagu yidhi qoraal kasoo baxay Dahabshiil.

Qoraalkan oo ay shirkadu ku baahisay boggeeda X, ayaa aad uga cadhaysiiyay shacabka Somaliland, iyada oo badanka dadka faalooyinka ka dhiibtay ay ku baaqayaan in shacabka Somaliland, ay joojiyaan adeegsiga adeegyada shirkada.

“Waddankaagii ayaad ka dooratay cadaw, waxan kuu sheegayaa in Somaliland-ta aad hoos u eegaysa ay tahay ta caalamiga kaa dhigtay, waad ka qoomamayn, bishan laga bilaabo waan joojiyay isticmaalka adeegyadiina” Qodah oo kamid ah dadka faalooyinka ka dhiibtay ayaa sida yidhi.

Dowlada Soomaaliya ayaa shirkadaha diyaaradaha iyo xawaaladaha ku amartay in ay joojiyaan isticmaalka magaca Somaliland, kadib markii ay shirkadaha diyaaraduhu u hoggaansameen amarka, Dahabshiil ayaa noqotay shirkadii ugu horaysay ee Somaliland laga leeyahay ee amarka fulisa.

Xukuumada Somaliland, ayaa kadib amarka Soomaaliya digniin u dirtay shirkadaha, iyada oo sheegtay in aan loo hoggaansami karin.