Xildhibaano katirsan Barlamaanka oo ku eedeeyay hay’adda Nabad sugidda inay ka celisay inay u safraan Baydhabo

3

Xildhibaano katirsan golaha shacabka Soomaaliya oo kasoo jeeda degaanada Koonfur Galbeed ayaa ku eedeeyay hay’adda nabad sugidda ee NISA inay ka hor istaagtay inay u safraan magaalada Baydhabo oo ah deegaan doorashadooda.

Xildhibaan Sareedo Maxamed Cabdulle oo kamid ah xildhibaanada sheegay in loo diiday inay Baydhabo u safarto ayaa tiri, “Dad aan sharci aqoonin ayaa saaka iga reebay diyaaradda. Xildhibaanada Koonfur Galbeed beegsi ayaa lagu hayaa wixii hadda ka dambeeya qorigeena la galaynaa garoonka”.

Xildhibaan Saadaq Cabduillaahi oo isna kamid ah baarlamaanka, ayaa xad gudub sharci darro ah ku tilmaamay in xildhibaanada laga hor istaago inay u safraan magaalada Baydhabo. Wuxuu ku eedeeyay madaxtooyada inay ka dambeyso xayiraada lagusoo rogay xildhibaanada Koonfur Galbeed.

Tallaabadan ayaa kusoo aadaysa, iyadoo uu sii xumaadanyo xiriirka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Koonfur ayaa sida aan xogta ku hayno wadatashi ugu yeeray xildhibaanada taageersan maamulkiisa, si ay uga wada hadlaan xaaladaha siyaasadeed ee haatan ka dhex taagan Muqdisho iyo Baydhabo.

Qaar kamid ah xildhibaanada kasoo horjeeda madaxweyne Lafta Gareen ayaa dhankooda sheegay in Baydhabo laga abaabulayo shirar loogu danaha shisheeyaha. waxay sheegeen in madaxweyne Lafta Gareen uu isagu bilaabay inuu xildhibaanada u diido inay yimaadaan magaalada lagu doortay.