Wararka naga soo gaaraya degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in maanta xaalad deganaasho ah ay ka jirto, halkaas oo sadaxdii maalmood ee lasoo dhaafay ay ku dagaalamayeen laba maleeshiyo beeleed. Deganaashada lasoo warinayo ayaa qudheedu aheyn mid caga badan ku taagan, maadama ay wali is horfadhiyaan ciidamada labada maleeshiyo beeleed ee dirirtu u dhaxeyso. Dagaalka u dhaxeeya labadaan beelood ee sadaxdii maalmood ee lasoo dhaafay socday ayaa sababay dhimashada ku dhawaad 20 ruux oo labada dhinac ah iyo dad shacab ah oo rasaastu guryahooda ugu tagtay. Wali waxaa jirta cabsi laga qabo in mar kale dib u dagaalamaan labada maleeshiyo beeleed ee halkaasi ku dagaallamaya oo taageero ka kala helaya ciidamo ka tirsan dowladda Fedaraalka iyo kuwa Jubbaland ee ku sugan degmadaas. Dowladad Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland ayaa ku guuldareestay in xal u helaan joojinta dagaalka ka socda degmada Luuq, marka laga soo tago baaqyo nabadeed oo ay u direen labada beeleed iyo waxgaradka degmada oo ku aadanaa in la joojiyo dagaalka.

18

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ku baaqay in si deg deg ah lagu joojiyo dagaal beeleedyada macno darrada ah oo uu ugu danbeeyay dagaalka ka socda degmada Luuq ee gobolka Gedo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa Maamulka Jubaland ay qaadayso tallaabooyin degdeg ah oo lagu xaqiijinayo nabadda iyo degenaanshaha degmada Luuq, si la mid ahna la farayo Ciidamada Qalabka Sida in ay u istaagaan ka hortagga dagaallada iyo colaadaha sokeeye oo fursad u ah in Khawaarijtu ay ku sii dhuumaaleystaan deegaannada ay kaga harsan yihiin dalka.

“Wada-xaajood iyo dib-u-heshiisiin ayaa ah furaha nabadda iyo horumarka. Waxaan ku boorrinayaa dhammaan dhinacyada ku lugta leh colaadaha iyo dagaallada sokeeye ee dalka in ay degdeg u joojiyaan, kana fogaadaan dabinka Khawaarijtu ay ku doonayaan in ay ku cimri-dheeraystaan si ay u sii dhibaateeyaan dadkeenna”.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa faray Wasaaradda Arrimaha Gudaha in ay dardar geliso qorshaha dhab-u-heshiisiinta Qaran, si looga gudbo duruufaha horseedaya xasillooni darrada.