Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in mar kale dagaal culus uu maanta dib uga qarxay degmada Luuq ee gobolka Gedo, kaas oo galay maalinkii saddexaad oo xiriir ah.
Inta la og yahay 14 ruux ayaa ku geeriyootey Dagaalkii maanta ka dhacay duleedka degmada Luuq,halka tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen.
Dagaalka oo u dhexeeyo laba maleeshiyo beeleed ayaa sii xoogeysanaya, waxaana labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan.
Wararka ayaa intaasi ku daraya inay fashilmeen dadaallo ay wadeen maamulka gobolka iyo waxgaradka deegaanka, waxaana dib sidaas ugu qarxay dagaalka labada dhinac.
Xaaladda guud ee degmada ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dadka qaar ay isaga barakaceen guryahooda, si aysan waxyeelo uga soo gaareyn xabadda dhaceysa